4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Guddoonka Baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay wasiirka qorsheynta


Axad, July, 14, 2019 (HOL)-  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad  ayaa maanta kullan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka wasaaradda qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed ayaa guddoonka golaha Shacabka usoo bandhigay Qorshaha wasaaradda qorsheynta, iyadoo la tashi kala sameyneysa dhammaan hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

"Wasaaraddu waxay diyaarinaysa shuruuc badan oo la xiriira qorsheynta iyo maalgashiga, qaarkoodna ay gaba gabo marayaan oo uu ka mid yahay sharciga NGO-yada si golaha Shacabka loo horgeeyo." ayuu yiri wasiir Jamaal oo ka warramayay kullanka.

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka, ayaa wasaaradda qorsheynta madaxdeeda uga mahad celiyay la tashiga ay la sameyneyso hay’addaha dowladda , wuxuuna sheegay in goluhu uu diyaar u yahay dedejinta shuruuc walba oo dalka muhiim u ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]