4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Garoowe


Axad, July, 14, 2019 (HOL)-  Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay'adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo cayaaraha Puntland  iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Ujeeddada socdaalka  uu ku gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo  halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia 'YES').

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wuxuuna sheegay muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta in looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa  ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka .

"Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay." ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada wuxuu caddeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ka go'antahay sidii mustaqbal wanagsan loogu jiheyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]