4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Isbeddelo lagu sameeyay amniga Kismaayo

Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Hay’addaha amniga ayaa kor u qaaday howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo, kaddib weerar ay dad badan ku dhinteen oo Jimcihii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Saraakiisha amniga ayaa laga soo xigtay inay socdaan baaritaano la xiriira weerarka oo ay ku geeriyoodeen 26 ruux.

Waddooyinka ayaa lagu arkayay ciidammo dheerad ah, iyada oo xalay bandow iskeed ah ay gashay magaaladan xarunta kumeelgaarka u ah Jubbaland.

“Hay’addaha amniga waxaan faraya inay xoojiyaan nabadgalyada, baaritaana lagu sameeyo waxa ku soo aaddiyay xilligan weerarka.” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam oo Sabtidii warbaahinta kula hadlay Kismaayo.

Weerarka ka dhacay hotelka Cascaseey ayaa lagu tilmaamay midkii ugu xooggana oo ka dhaca magaalada dekedda leh, tan iyo markii halkaa laga saaray al-Shabaab toddobo sanno ka hor.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]