4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Wafdi ka socda Qatar oo gaaray Dhuusamareeb

Sabti, July, 13,2019 (HOL)-  Diyaarad nooca milatariga ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka dajisay wafdi ka socda dowladda Qatar oo isugu jira mas'uuliyiin ka socda wasaaradda gaashandhigga iyo saraakiil ciidan.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo ujeeddada safarka lagu sheegay inay la xiriirto sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda tababbaro la siiyo ciidammada Ahlasunna ee ay dhowaan dowladda la wareegto, kuwaas oo la diiwaangalinayo.

Muddada ay saraakiisha joogaan magaalada Dhuusamareeb, ayaa la sheegay inay la kulmi doonaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, kaddib socdaal uu muddo toddobaad ku dhow ku joogay magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Qatar ayaa ka taageerta xukuumadda Soomaaliya dhinacyo kala duwan, waxaana dalkaa yar ee ku yaalla khaliijka uu ka mid yahay waddada dhaqaalaha ugu badan siiya maamulka madaxweyne Farmaajo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]