7/18/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo xilka la wareegay



Sabti, July, 13,2019 (HOL)- Munaasabadan xil wareejinta ah  oo aheyd mid siweyn loo wada sugayay ayaa ugu danbeyntii ka dhacday xarunta maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo ay ka qeybgalleen mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale munaasabada xil wareejinta waxaa ku sugnaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyaha cusub ee xilka la wareegay Cali Maxamed Caraale, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan labada golle ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle, guddoomiyayaashii hore ee gobolka soo maray, saraakiil ciidan iyo marti-sharaf kala duwan,

Waxaa jiray khudbado kala duwan oo halkaa laga soo jeediyay oo dhamaantood u badnaa is cafin, dardaaran  iyo waliba in si wada jir ah loo wada shaqeeyo,  gaar ahaan guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.

Xil wareejinta oo soo martay maraaxilo kala duwan ayaa timid kaddib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku guuleysteen in ay soo afjaraan khilaafkii siayasadeed ee ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore Yuusuf Dabageed oo ka biyo diiday in uu xilka wareejiyo.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bulshada gobolka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee gobolka, dhinaca kalana waxaa uu ka dalbaday shacabka in lagu dadaalo nabad-galyada oo muhiim u ah socodsiinta howlaha maamulka.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa dhinaciisa balanqaaday in uu la iman doono isbadal iyo wax qabad muuqda, isaga oo uga mahad celiyay guddoomiyihii hore howlihii uu qabtay mudadii uu xilka hayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 

 

 










Click here
7/13/2019 2:40 PM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta laga furay Xafiiska Ururka ONLF, Xafladda furitaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda u saraysa Ururka ONLF oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan. Masuuliyiinta Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya. iyo Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis Abaa.

7/13/2019 1:37 PM EST
Sabti, July, 13,2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar.

7/13/2019 11:12 AM EST
Sabti, Luulyo, 13, 2019 (HOL) – Mid ka mid ah labadii beelood ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel afweyn ayaa dawladda ku wareejiyey gaadiidkii iyo hubkii sida sharci darada ah u haysteen.

7/13/2019 11:04 AM EST
Sabti, July, 13,2019 (HOL)- Diyaarad nooca milatariga ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka dajisay wafdi ka socda dowladda Qatar oo isugu jira mas'uuliyiin ka socda wasaaradda gaashandhigga iyo saraakiil ciidan.

7/13/2019 10:52 AM EST
Sabti, July, 13,2019 (HOL)- Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii galinkii dambe ee shalay ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.

7/13/2019 7:56 AM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa sheegay in markab xoolo siday oo Berbera ka baxay ku xaniban yahay dekada Jidda ee Sucuudiga Carabiyo ka dib markii xukuumada Soomaaliya cadaadis ku saarto in xoolahaasi dib loo celiyo.

7/13/2019 7:50 AM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Koranto la'aantan ayaa sababtay ka dib markii wado ku beegantay xarunta wershada korantada cagafna la geliyey deyrka kore.

7/13/2019 5:46 AM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda gobolleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarkii Al-shabaab ee shalay lagu qaadey Hoteel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo.

7/13/2019 5:15 AM EST
Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda faray si degdeg ah inay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

7/13/2019 4:43 AM EST
Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa markii u horreeysay faahfaahin ka bixiyay khasaaraha weerarkii galinkii dambe lagu qaaday hotelka Cascaseey.

7/13/2019 3:37 AM EST
Magaaladda Toronto ee dalka Canada waxaa shalay ka furmay ciyaaraha Todobaadka Soomaalida Canada oo sanadkii 29aad lagu qabanayo magaaladaas,waxaana sanad walba xiligaan oo kale hawshaa qabanqaabadeeda si buuxda u gala ururka horemarinta dhalinyarada ee TODAY

7/13/2019 2:02 AM EST
Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Warar goor dhaw ay heshay Hiiran Online ayaa sheegaya in dadkii ku dhintay qaraxyadii iyo weerarkii lagu qaaday hotel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo uu ka mid noqday Ganacsade Mahad Cabdulaahi Nuur Garguurte.

7/13/2019 1:15 AM EST
Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa wali kacsan kadib markii koox hubeysan oo ka tirsan kooxda Al shabab ay shalay galab ay weerar xooggan ay ku qaadeen Hoteel ku yaala magaalada Kismaayo.