4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Magaalada Laascaanood oo kornato la'aan soo wajahdey kadib markii xaruntooda cagaf la geliyey


Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Koranto la'aantan ayaa sababtay ka dib markii wado ku beegantay xarunta wershada korantada cagafna la geliyey deyrka kore.

Masuuliyiinta korantada ayaa sheegay in aan loo sheegin in Master planku qabsaday xaqna ay u lahaayeen in la siiyo waqti ay kaga diyaargaroobaan.
 
Korantada la jaray ayaan sababteeda la xaqiijin waxaase dadka badankiisu hadal hayaan mar hadaan dhaawac weyni soo gaadhin in ay ku culaysinayaan in qaabka wax laga bedelo maadaama ay ku taal dhul banaan oo ka go'an magaalada.
 
Dhinaca kale weli ma suurtagelin in la helo masuiliyiinta xukuumada.
 
Shirkada korantada Laascaanood oo keligeed bixisa dabka ayaa dhibaatadeeda mudo laba saacadood ka yar lagu dareemay, iyadoo aam hal eedaan aanu ka bixin magaalada taas oo ay sababtay mudo ka badan 20 sano aanay koranto ka maqnaan wax kooban maahaane.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood