4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Hoteel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo

 

Sabti, July, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda gobolleedka  Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarkii Al-shabaab ee shalay lagu qaadey Hoteel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku  hadlaya magaca golayaasha Hirshabelle, shacabka Hirshabelle iyo keygaba  waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen dadkii  argagixisada ku gumaadeen magaalada kismaayo.

Madaxweyne  Waare ayaa sheegay in muhiim ay tahay shacab iyo ciidanba loo istaago siddii looga hortagi lahaa kooxaha sida uu hadalka u dhigay cadawga.

“Waxaa  weerarkani ay kooxaha naf la caariga ah la beegsanayaan shacabka aan  waxba galabsan ay muujinayaan guuldarrooyinka isdaba-joogga ah oo la kulmayaan'' ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo  kale magaalada Kismaayo ayuu xusay madaxweynuhu in ay ka mid eheyd magaalooyinka ugu nabdoon waxaana maamulka Jubbaland iyo shacbigiisa uu  ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xasiloonida deegaannadooda xili la filayo  dhowaan in doorashada Jubbaland ay dhacdo.

Madaxweynaha  ayaa ammaan u jeediyay ciidanka maamulka Jubaland sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka islamarkaana  u soo afjareen.

Madaxweynaha  dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa Ilaahay  uga baryey dadkii ku shahiiday weerarkan inuu Ilaahay naxariistii  Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantey uu caafimaad buuxa  siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku wax-yeeloobeenna uu samir  iyo iimaan ka siiyo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]