4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Ganacsade Mahad Cabdullaahi Nuur Garguurte oo ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo

 

Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Warar goor dhaw ay heshay Hiiran Online ayaa sheegaya in dadkii ku dhintay qaraxyadii iyo weerarkii lagu qaaday hotel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo uu ka mid noqday Ganacsade Mahad Cabdulaahi Nuur Garguurte.

Mahad oo ahaa Nin dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed, isaga oo ganacsi ballaaran ku lahaa dalka Tanzania.

Alle ha u naxariistee Mahad waxaa dhalay Ganacsade Cabdullaahi Nuur Guulleed Garguurte oo siweyn loo garanayo guud ahaan marka la eego gayiga Soomaalida iyo dalalka qaarrada Africa intaba, waxaana ganacsi weyn oo ballaaran uu ku leeyahay sidoo kale dalka Tanzania.

Waxaa la sheegay Mahad in  magaalada Kismaayo uu u tagay howlo ganacsi, hasse ahaatee ugu danbeyntii waxaa uu ka mid noqday dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii ay qaraxyadii lagu bartilmaameedsaday hotel Cas-caseey 

Dadka guud ahaan ku dhintay weerarka ayaa isugu jiraan siyaasiyiin, ganacsatado iyo dad magac-weyn ku dhax lahaa bulshada, waxaana ka mid ah Wariye Hodan Naaleeye iyo Seygeeda oo labaduba ku geeriyooday  weerarka Kismaayo.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa siweyn u cambaareeyay weerarkan oo ay mas'uuliyadiisa sheegteen Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taagerada militari siiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]