4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Wariye Hodan Naaleeye oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay qaraxyadii caawa ka dhacay magaalada Kismaayo

 

Jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xaruta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dadkii caawa ku dhintay weerarradii iyo qaraxyadii lagu qaaday Hotelka Cascaseey ay mid noqotay Wariye Hodan Naaleeye.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale uu weerarka hoteelka ku geeriyooday Fariid Jaamac oo ahaa Hoday Naaleeye seygeeda kana mid ahaa siyaasiyiinta Jubbaland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka caawa ku dhintay weerarka hotelka Cascaseey uu ka mid ahaa Wariye Maxamed Sahal Cumar oo loo yaqaanay Gacmo -Dheere.

 

Wariye Hodon Naaleeye ayaa waxa ay madax ka ahayd  taleefishinka Integration oo muuqaalo badan laga daawaday iyadoo safari  ku tegi jirtey gobolada dalka Soomaaliya. 

Waxey aheyd qof caan ku ahaa Barnaamijyada la xiriira arrimaha bulshada iyo dukumantari-yo inta badan ku saleysan nolasha bulshada oo dhinacyo badan taabanaya.

Warka ku sabsan Geerideeda ayaa siweyn  ugu faafahay baraha bulshada, madaama ay aheyd qof siweyn ay u garanayaan dadka ku hadla afka Soomaliga kuwaa oo u xiiseyn jiray filimada iyo Barnaamijyada ay ka diyaariso Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]