4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Turkiga oo xaqiijiyay inuu soo gaaray gantaalaha difaaca ee S-400

Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–  Dowladda Turkiga ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu dalkeeda soo gaaray gantaalaha difaaca ee S-400, sida laga soo xigtay wasaaradda Difaaca.

Saldhigga ciidammada ee Murted oo ku dhow caasimadda Ankara ayaa la sheegay qeybtii u horreysay ee gantaalaha difaaca ee S-400 oo Ruushku farsameeyo in la gaarsiiyay.

Turkiga ayaa si uu u helo gantaalaha difaaca ee S-400  wuxuu ka dhaga adaygay baaqyada kaga yimaaday xulufadiisa Maraykanka e ku aaddan inuu ka tanaasulo gadashada hubkan Ruushku farsameeyay, maaddaama ay liddi ku tahay siyaasadsa NATO ee difaaca. Turkigu waa xubinta labaad ee NATO ugu weyn. Maraykanka ayaa ugu hanjabay inuusan ka iibinayn diyaaradaha casriga ah ee F-35 ee uu farsameeyo. Sidoo kalana uu cunaqabataymo dhaqaale saari doono haduu gato hubkaas.

Turkiga aya labadii sano ee u danbaysay waxa xumaaday xiriirkooda Galbeedka, waxaana  Turkiga uu  ganacsi baaxad weyn la wadaaga galbeedka dhaqalihiisuna udub dhaxaad u yahay. Falkan uu ku baalmaray siyaasadda NATO ayaa sababi karta in cunaqabataymo adag uu wajaho, taaso curyaamisa dhaqaalihiisa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]