3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulamo La Qaatay Odayaasha Ka Shaqeeya Xoojinta Nabadda Iyo Xasiloonida Gaalkacyo


Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Gaalkacyo kulamo kula qaatay odayaasha u xil saaran adkeynta nabadda iyo is-dhex galka bulshada ku nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo odayaasha labada qayb ee magaalada ugu xil saaran xoojinta nabadaynta ayaa looga hadlay dowrka odayaasha ee dib-u-heshiisiinta, nabadaynta iyo sare u qaadidda is-dehx galka bulshada.

Odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaallada uu ku bixinayo nabadaynta, dib-u-heshiisiinta iyo isu dumidda bulshada, waxa ayna u ballan qaadeen in ay dowladda federaalka Soomaaliya ku garab siinayaan ka shaqeynta danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre oo odayaasha uu kulamada la qaatay u caddeeyay in dowladdu garaawsantahay dowrkooda midnimada iyo nabadda magaalada ayaa ballan qaaday in dowladdu labada dhinac kala shaqeynayso nabadaynta iyo horumarinta xasiloonnida deegaanka.

Maalin ka hor ayaa Ra’iisul Wasaaruhu Gaalkacyo ka dhagax dhigay Hoyga Nabadda oo qayb ka ah mashuurca nabadaynta magaalada Gaalkacyo si loo horumariyo nabadda iyo xasiloonida deegaan, looguna gogol xaaro horumar ballaan oo ay ku tillaabsadaan bulshada deegaanka ku nool.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/12/2019 4:55 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Ciidammada amniga ee Jubbaland ayaa ku dadaallaya sidii xasillooni loogu soo dabaali lahaa magaalada xarunta kumeelka u ah maamulka ee Kismaayo, halkaa oo galinkii dambe weerar ku billowday qarax gaari lagu qaadday hotel Madiina (Ex Cascaseey).

7/12/2019 4:04 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen ku shaaciyay in laga heshiiyay khilaaf u dhaxeeyay.

7/12/2019 3:29 PM EST
jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xaruta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dadkii caawa ku dhintay weerarradii iyo qaraxyadii lagu qaaday Hotelka Cascaseey ay mid noqotay Wariye Hodan Naaleeye.

7/12/2019 1:58 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Turkiga ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu dalkeeda soo gaaray gantaalaha difaaca ee S-400, sida laga soo xigtay wasaaradda Difaaca.

7/12/2019 1:53 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wali laga maqlayo hoteel Cascaseeey ee weerarka lagu qaaday rasaas goosgoos ah oo ay is weydaarsanayaan kooxo hubeysan ee ciidamada Jubbaland.

7/12/2019 12:23 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay , tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ku billowday qarax gaari oo ka socda hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

7/12/2019 11:59 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaa ka dhacay qarax xooggan.

7/12/2019 7:49 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Liibiya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hub lagu farsameeyay dalka Faransiiska uu u gacan galay mucaaradka.

7/12/2019 7:10 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wareejisay guddiga dib u dhiska garoonka cayaaraha Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhaqaalo ka qeybqaadanaya dhammeystirka garoonka, sida laga soo xigtay xubno guddiga ka mid ah.

7/12/2019 7:04 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta oo Jimce ah waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

7/12/2019 6:53 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Golaha milatariga ee dalka Suudaan, ayaa sheegay inuu dhacay isku day afgembi oo laga hortagay.

7/12/2019 4:50 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Kulbiyoow oo ku yaalla xadka hala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.

7/12/2019 1:38 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Ugu danbeyntii waxaa la soo afjaray ku dhawaad bil khilaaf siyaasadeed oo ka taagnaa maamulka gobolka Hiiraan kaa oo ka dhashay xil ka qaadistii madaxweynaha dowladda gobolka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.