4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaa ka dhacay qarax xooggan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay lagu weerarray hotelka Cascaseey oo ay inta badan deggaan xildhibaanno iyo siyaasiyiin. Wararka ayaa inta ku daray in dhawaqa rasaas  laga maqlayo gudaha hoteelka ma cadda haddii rag hubeysan ay gudaha u galeen.

 Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa oo la sheegay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah inay ka dhalatay, sidoo kale hay’adaha ammaanka ma jirto warbixin ka soo baxday.

Weerarkan ayaa ku soo aadday xilli muddooyinkii dambe ay nabadgalyo ka jirtay magaalada Kismaayo , waxaa intaa dheer in magaalada Kismaayo ay ka socoto diyaar garowga  doorashada guud ee Jubbaland .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]