7/18/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2019
Xukuumadda Soomaaliya oo $220,000 ku taageertay dib u dhiska garoonka cayaaraha ee waqooyiga Gaalkacyo



Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wareejisay guddiga dib u dhiska garoonka cayaaraha Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhaqaalo ka qeybqaadanaya dhammeystirka garoonka, sida laga soo xigtay xubno guddiga ka mid ah.

Howsha dib u dhiska garoonka oo si isku tashi bulsho ah ku billaabatay ayaa muddo socotay, balse wuxuu hakad galay xilli uu marayay heerar ku dhow dhammeystir, iyada oo  tan iyo xilligaa ay soo baxayeen baaqyo ka imaanaya guddiga gacanta ku haya oo dalbanayay in laga qeybqaato dhammeystirka garoonka kubadda cagta ee Cawaala.

Guddiga ayaa hadda ka helay xukuumadda Soomaaliya lacag $220,000 ( Labo boqol iyo labaatan kun oo dollar ), kaddib markii Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre uu booqday garoonka, halkaa oo isku soo bax ay ku soo dhaweeyeen dhallinyaro oo  markaa ka codsatay inay xukuumaddu ka qeybqaadato dhammeystirka garoonka, wuxuuna markiiba u ballanqaaday in loo dhisayo garoonkan sida ay dhallinyarada u doonayaan.

"Ballanqaadka ra'iisul wasaaraha kaddib guddiga ayaa u tagay, waxaana ay bandhigeen muhiimadda uu dhallinyaradan u leeyahay garoonka iyo sida ay muhiim u tahay si dhaqso ah in loo dhammeystiro, arrintaa wuu nala qaatay, wuxuuna boggaadiyay guddiga iyo dhallinyarada gobolka Mudug ee u istaagtay dib u dhiska garoonka." ayuu yiri guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Mudug, Jacfar Yuusuf Cabdalla oo ka mid ah mas'uuliyiinta muddada dheer u qaraamayay dib u dhiska garoonka.

Jacfar, ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha uu markiiba u xaqiijiyay in dhaqaalaha  xukuumadda ballanqaaday inay soo gaarayso guddiga,wuxuuna inta ku daray galinkii dambe ee khamiistii shalay inay si rasmi ah lacagta labo boqol iyo labaatan kun oo dollar ah ay ku soo dhacday qasnadda guddiga dib u dhiska garoonka.

"Xukuumadda iyo Ra'iisul wasaare Khayre aaad ayay u mahadsanyihiin, maantana waa maalin weyn oo taariikhda u gali doonta , dhaqaalahana wuxuu gacan ka geysanaya in la soo gabagabeeyo dhismaha garoonka oo si casri ah loo dhisayo." ayuu ku daray.

Bulshada qeybaheeda ee gobolka Mudug ayaa sidoo kale ku ammaanay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre sida uu uga dhabeeyay ballanqaadka uu u sameeyay dhallinyarada gobolka Mudug iyo guddiga dib u dhiska garoonka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/12/2019 4:55 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Ciidammada amniga ee Jubbaland ayaa ku dadaallaya sidii xasillooni loogu soo dabaali lahaa magaalada xarunta kumeelka u ah maamulka ee Kismaayo, halkaa oo galinkii dambe weerar ku billowday qarax gaari lagu qaadday hotel Madiina (Ex Cascaseey).

7/12/2019 4:04 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen ku shaaciyay in laga heshiiyay khilaaf u dhaxeeyay.

7/12/2019 3:29 PM EST
jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xaruta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dadkii caawa ku dhintay weerarradii iyo qaraxyadii lagu qaaday Hotelka Cascaseey ay mid noqotay Wariye Hodan Naaleeye.

7/12/2019 1:58 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Turkiga ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu dalkeeda soo gaaray gantaalaha difaaca ee S-400, sida laga soo xigtay wasaaradda Difaaca.

7/12/2019 1:53 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wali laga maqlayo hoteel Cascaseeey ee weerarka lagu qaaday rasaas goosgoos ah oo ay is weydaarsanayaan kooxo hubeysan ee ciidamada Jubbaland.

7/12/2019 1:30 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Gaalkacyo kulamo kula qaatay odayaasha u xil saaran adkeynta nabadda iyo is-dhex galka bulshada ku nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

7/12/2019 12:23 PM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay , tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ku billowday qarax gaari oo ka socda hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

7/12/2019 11:59 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaa ka dhacay qarax xooggan.

7/12/2019 7:49 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Dowladda Liibiya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hub lagu farsameeyay dalka Faransiiska uu u gacan galay mucaaradka.

7/12/2019 7:04 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta oo Jimce ah waxa uu kulan gaar ah la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

7/12/2019 6:53 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)– Golaha milatariga ee dalka Suudaan, ayaa sheegay inuu dhacay isku day afgembi oo laga hortagay.

7/12/2019 4:50 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in deegaanka Kulbiyoow oo ku yaalla xadka hala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ee Gobolkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.

7/12/2019 1:38 AM EST
Jimco, July, 12, 2019 (HOL)–Ugu danbeyntii waxaa la soo afjaray ku dhawaad bil khilaaf siyaasadeed oo ka taagnaa maamulka gobolka Hiiraan kaa oo ka dhashay xil ka qaadistii madaxweynaha dowladda gobolka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.