4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Qiimayntii hoggaaminta DDS ee ilaa heer maamul magaalo ayaa ka furmay Jigjiga

 

Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Waxaa hoolka Shirarka ee Kaali ka furmay maanta Shir lagu qiimaynayay hoggaaminta DDS ee heer degaan, gobol, degmo iyo maamul magaalooyin.

Shirkan qiimaynta ah oo lagu qiimaynayay waxqabadka10kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar, ku xigeenkiisa Aadan Farax. iyo Madaxa Xarunta dhexe ee XDS Maxamed Shaalle.

Haddaba qiimayntan ayaa lagu eegayay siday hoggaamintu u shaqeeyeen, daldaloolooyinkii dhanka shaqo ee jiray iyo caqabadihii hor taagnaa shaqooyinka qaar ee ay u qabsoomi waayeen 10kii bilood ee lasoo dhaafay.

Shirkan qiimaynta ah ayaa socon doona ilaa 10 maalmood waxaana gabagabada Shirkan la isla meel dhigi doonaa qaab shaqeedka sannad 2012 Tirsiga Itoobiya iyo waliba sidii loo wajihi lahaa qorshaha sannadkaas ee dawladda u yaalla.

 

Shirkan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmahan Shirar uga socdeen magaalada Jigjiga Baarlamaanka DDS oo lagaga hadlayay qodobo muhiim ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]