4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Hay'addaha amniga oo Muqdisho ku soo bandhigay rag dhac geysan jiray


Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku soo bandhigay degmada Dharkiinley rag la sheegay inay dhac u geysan jireen bulshada iyo hub ay wateen.

Lix nin oo maamulka uu ku eedeyay inay burcad ahaayeen iyo hubka ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidammada amniga ka sameeyeen caasimadda Muqdisho, waxaana lagu wareejiyay xeer ilaalinta maxkamada ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  ahna duqa caasimadda Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay  in mamulka gobolku uu dagaal iyo daba gal xooggan ku hayo kooxaha burcadda ah ee dadka ku dhibaateeya gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in maamulka iyo hay’addaha amnigu ay talaabo ka qaadi doonaan, sidoo kalana qofkii ka daba yimaada ruux lagu soo qabtay falal amniga liddi ku ah ay isagana u aqoonsan doonaan burcad kalkaal.

Wuxuu ugu mahadceliyay ciidammada amniga shaqada ay qabteen ayaa ku bogaadiyay inay ballaariyaan hawlgalada ay amniga ku xaqiijinayaan, isagoo inta ku daray in raggaasi ay ku wareejinayaan maxkamadda ciidammada qalabka sida, oo iyaduna looga fadhiyo in ay cadaaladda waafajiso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]