Khamiis, July, 11, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Pakistan, Imraan Khaan ayaa booqashadii u horreysay dabayaaqada bishan ku tagi doona dalka Marekanka, halkaa oo kullan gaar ah uu kula qaadan doono madaxweynaha Marekanka,Donald Trump.
War ka soo baxay Aqalka cad ee dalka Marekanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump la kulmi doono Ra’iisul wasaaraha Pakistan 22 bisha July isla markaana ay ka wada-hadli doonaan xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo sidii nabad iyo deganaansho looga dhalin lahaa gobalka.
Afhayeenka xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Maxamed Faysal ayaa dhankiisa xaqiijiyay kullanka labada hoggaamiye, isagoo marka sheegay in diiradda lagu saarayo xiriirka labada dal, ganacsiga, difaaca, iskaashiga iyo xal u helista ammaanka dalka Afganistan.
Martiqaadka madaxweyne Trump, ee ra'iisul wasaaraha Pakistan ayaa lagu tilmaamay mid lagu raadinayo xoojinta xiriirka labada dal, iyada oo ay dalka dariska ah Afganistan ay ka socdaan dedaallo uu Marekanka doonayo in colaadda muddada qaadatay lagu soo afjaro wada-hadal.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]