4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2019
Khilaaf soo kala dhax-galay guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle

 

Khamiis, July, 11, 2019 (HOL) –Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeyay xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaa oo salka ku haya khilaaf soo kala dhax-galay guddoonka sare ee Golaha Baarlamaanka.

Khilaafkan ayaa salka ku haya go’aankii guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ee ahaa in uu xiran yahay Golaha, hasse ahaatee ay ku gacan –seyreen labadiisa ku –xigeen Cabdi Xusseen Geedi iyo Canab Axmed Ciise.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xildhibaanada u diray fariin uu ku war-galinayo in baarlamaanku xiran yahay, hasse ahaatee fariimo kale oo lagula socodsiinayo xildhibaannada in ay soo xaadiraan kulamada baarlamaanka waxaa isna u diray xildhibaannada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xusseen Geedi.

Xildhibaannada ayaa laftirkooda u muuqda kuwo kala taageersan go’aannada iska hor imanaya ee labada dhinac ee guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle labo dhinac uu u kala jabaan, iyadoo la ogyahay in khilaaf kan la mid ah uu ku baxay madaxweynihii hore ee maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]