4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2019
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Puntland

 

Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)- Ku-simaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaliya islamarkaana ah ku-xigeenka wakiilka xafiiska siyaasadda UNSOM Raisedon Zenenga ayaa sheegay in uu hambalyeeynayo madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash oo maalintii shalay lagu doortay magaalada Garoowe.

Wuxuu sheegay Raisedon in uu ka rajeynayo madaxweynaha cusub ee iyo maamulkiisaba in ay si dhaw u wada shaqeyn doonaan xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobey.

Waxaa kaloo uu amaanay guddiga doorashada Puntland, sida ay u diyaariyeen doorashada ku dhacday sida nabadda ah.

“Waxaan sidoo kale aan ammaan u soo jeedinaynaa madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo maamulkiisa sida ay u maamuleen in si nabadgelyo ah awooda la isugu wareejiyo islamarkaana suurta-geliyay jawi wanaagsan oo ay guddiga doorashada waajibaadkooda ugu guteen.”

Madaxweyne Saciid Deni iyo ku-xigeenkiisa ayaa hoggaamin doona maamulka Puntland muddada Shanta Sano ah ee soo socta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]