4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2019
Manafort oo xog siiyey nin ku xiran sirdoonka Ruushka

 

Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)-Madaxii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Paul Manafort ayaa xog ku saabsan codadka ra’yiga dadweynaha la wadaagay qof xiriir la leh sirdoonka Ruushka, sida ay shaaca ka qaadeen waraaqo maxkamadeed oo la diiwaan geliyey talaadadii.

Shaac ka qaadistan ayaa sii xoojineysa caddeymo isa soo taraya oo muujinaya in ololaha Trump laga yaabo inuu isku dayay inuu la shaqeeyo Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii madaxweyne ee 2016.

Si kastaba, dacwad oogayaasha federaalka ayaan weli wax kiis ah u sameyn inuu jiray shirqool uu ku lug leeyahay olalaha.

Dacwad oogayaasha kooxda la shaqeysa baaraha guud ee kiiskan Robert Mueller, ayaa sheegay in Manafort uu ka been sheegay inuu xogtan la wadaagay Konstantin Kilimnik. Konstantin Kilimnik ayaa ah nin u dhashay dalka Ukarine oo xiriir la leh sirdoonka Ruushka.

Si kastaba, Manafort ayaa beeniyey inuu si ula kac ah u qariyey arrintan, waxaana uu ku dooday inuu hilmaamay sababo la xiriira mashquulkii badnaa ee uu ku guda jiray xilliga doorashada.

Kooxda Mueller ayaa baaraya faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii 2016, waxaana eedeymaha cusub ee ka dhanka ah Manafort ay sare u qaadayaan suurta-galnimada ah in akhbaaraadkii uu siiyey ay caawiyeen dadaallada Ruushka.

VOA