Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha Maraykanka ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlayo xaaladda ismari waaga ah ee ka taagan Maraykanka, tan iyo markii lagu guul daraystay in la ansixiyo miisaaniyadda dawladda ee sanadkan 2019-ka.
Donald Trump waxa uu sheegay inuusan wali ka tanaasulin doonistiisa
ku aadan in miisaaniyadda dawladda loogu daro in ka badan 5-bilyan oo
Doller si darbiga xadka Mexico loogu dhiso.
Waxa uu xusay in tahriibayaasha aan sharciga lahayn ee Maraykanka soo
galay ay dialal iyo dhibaatooyin kale, gaystaan, sidoo kalena dhawrkii
bilood ee la soo dhaafay xadkaasi ay ka soo gudbeen 20-kun oo Carruur
ah, taas oo ah mushkilad aan indhaha laga qarsan karin.
500 oo Bilyan oo lacago sharci darro ah, oo isugu jira ka ganacsiga
daroogada, iyo badeecooyinka qarsoodiga ah ayaa ka gudba xadkaas, sida
uu sheegay Trump, taas oo ka mid ah sababaha uu u doonayo in la dhiso
darbiga kala qaybiya Maraykanka iyo Mexico.
Afhayeenka aqalka Kongareska Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer oo ah
hogaamiyaha Sanetrada xisbiga Demoqoraadiga ugu jira aqalka sare ee
dalkaasi ayaa iyaguna qabtay shir jaraa’id waxaana ay sheegeen in aysan
golayaasha sharci dajinta Maraykanku rabin in Maraykanka lagu xasuusto
darbi dheer oo xadka laga taabo, halkii lagu xasuusan lahaa Taalada
xorriyadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]