4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2019
IGAD oo madaxweynaha cusub ee Puntland ugu baaqday in uu la yimaado siyaasad fur furan

 

Arbaco, Janaayo,09, 2019 (HOL)-Wakiilka gaarka ah Urur Goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Maxamed Deni, oo shalay ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Garoowe.

Guuyo, ayaa sidoo kale ammaanay doorkii ay ka qaateen, Dowladda  federaalka, maamulka Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada.

Ergeyga ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamaashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo si gaar ah u ammaanay aqbalaaddii iyo sidii uu xilka ku wareejiyay, C/wali Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu  la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo  Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira.

Doorashada Puntland oo aheyd mid siweyn isha loogu wada hayay ayaa waxaa ku guuleystay Saciid Cabdullaahi Deni oo horey xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray, halka madaxweyne ku-xigeen loo doortay Axmed Cilmi Karaash oo ahaa Wasiirkii Duulista Hawadda ee maamulkii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]