3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2019
Taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliiska oo kormeer ku tagay degmada Afgooye

 

Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa kormeer ku tagay degmada Afgooye.

Kormeerka Taliyeyaashan iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada amniga degmadaas oo maalmihii la soo dhaafay ay howlgalo ka socdeen.

Afgooye waa degmada ugu badan oo ay ka dhacaan weerarrada tooska ah oo ay soo qaadaan xoogagga Ururka Al-shabaab oo marar badan oo hore gacan ku heynta degmada kala wareegay ciidamada dowladda.

Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka wada degmada howlgalo lagu sugayo amniga, islamarkaana lagu baadi-goobayo dagaalyahannada Al-shabaab, kaddib markii ay soo baxeen tuhumo la xiriira in xaafaddo degmada ka tirsan ku dhuumaaleystaan.

Socadaalka taliyayaasha ayaa dhinaca kale lagu micneynayaa in uu hordhac u yahay kormeer la laga yaabo in uu degmada ku tago madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
1/9/2019 1:33 PM EST
Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay mowqifka ugu aaddan Iskaashiga dowlad-gobolleedyada , xilli u wareysi siiyay BBC-da.

1/9/2019 9:24 AM EST
Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)- Ku-simaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaliya islamarkaana ah ku-xigeenka wakiilka xafiiska siyaasadda UNSOM Raisedon Zenenga ayaa sheegay in uu hambalyeeynayo madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash oo maalintii shalay lagu doortay magaalada Garoowe.

1/9/2019 6:12 AM EST
Arbaco,Janaayo, 09, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka.

1/9/2019 6:05 AM EST
Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)-Madaxii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Donald Trump, Paul Manafort ayaa xog ku saabsan codadka ra’yiga dadweynaha la wadaagay qof xiriir la leh sirdoonka Ruushka, sida ay shaaca ka qaadeen waraaqo maxkamadeed oo la diiwaan geliyey talaadadii.

1/9/2019 5:53 AM EST
Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha Maraykanka ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlayo xaaladda ismari waaga ah ee ka taagan Maraykanka, tan iyo markii lagu guul daraystay in la ansixiyo miisaaniyadda dawladda ee sanadkan 2019-ka.

1/9/2019 3:53 AM EST
Arbaco, Janaayo,09, 2019 (HOL)-Wakiilka gaarka ah Urur Goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Dr Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Maxamed Deni, oo Shalay ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Garoowe.

1/9/2019 12:44 AM EST
Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)–Madaweynaha Turkiga ayaa gaashaan u daruuray hadalkii Mareeyknaka ee ahaa in dalkiisa uu difaaco dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya.

1/9/2019 12:33 AM EST
Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL)–Dowladda Mareykanka ayaa sii wada duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Ururka Al-shabaab saldhigyada ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.