4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2019
Mareykanka oo War ka soo saaray duqeymihii ugu danbeeyay oo ay ka fuliyeen Soomaaliya

 

Arbaco, Janaayo, 09, 2019 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa sii wada duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Ururka Al-shabaab saldhigyada ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Sanadkan cusub ayuu Mareykanku dhowr weerar ka fuliyay qeybo ka mid ah gobollada dalka, waxaana weerarradaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, sidoo kalana waxaa lagu bur buriyay saldhigyo ama fariisimo ay ku lahaayeen gobollada dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntii ugu horeysay ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay ku dishay 6 xubnood oo Shabaab ka mid ah sidoo kalena ay ku burburisay gawaari dagaal.

Duqeynta Labaad ayaa ka dhacday degaanka Baqdaad, waxaana halkaasi lagu dilay 4 xubnood oo Shabaab ka tirsan sidda ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Mareykanku wuxuu sheegay in howlgalada sidoo kale ay ka qeybqaateen ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya,

Al-shabaab iyagu waxba war kama aysan soo saarin weerarradda tooska ah iyo duqeymaha uga imanaya ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ee isbaheysanaya, taa badalkeedana waxaa ay sii wadaan dhankooda weerarrada ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]