3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland

 

Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland.

“Waxaan  Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa  Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo  xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay  deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo  Ku-xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo  igmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
1/8/2019 11:04 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Wafdigii ugu horreeyay oo ka socda xukuumadda federaalka ayaa galinkii dambe gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaddib muddo toddobaad ah oo mas'uuliyiinta dowladda federaalka laga mamnuucay inay tagaan deegaannada Puntland.

1/8/2019 10:10 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweyne kuxigeenka Puntland, iyadoo jagada ay ku tartameen 11 musharrax.

1/8/2019 6:53 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee Puntland , Siciid Cabadullaahi Deni ayaa goor dhow wareegtadii ugu horreeysay ku hakiyay dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dowladda.

1/8/2019 6:46 AM EST
Talaado,Janaayo, 08, 2019 (HOL)-Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw u anbabaxay magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland.

1/8/2019 4:33 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) ayaa goor dhow shaaciyay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland oo la isla soo gaaray wareegii saddexaad.

1/8/2019 3:41 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Wareega labaad ee doorashada madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay,iyadoo guddiga doorashada uu shaaciyay natiijada wareega.

1/8/2019 3:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay,iyadoo guddiga doorashada uu shaaciyay natiijada.

1/8/2019 2:18 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Waxaa si rasmi ah u billaabmay doorashada madaxweynaha Puntland, xildhibaanada ayaa hadda billaabay inay u codeeyaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne.

1/8/2019 2:15 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa madaxtooyada ku casuumay salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka, haldoorka iyo siyaasiyiinta beelaha Garxajis oo gobolada ka kala yimid.

1/8/2019 12:27 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kim ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilayo kadib markii uu jagadaasi hayay muddo lix sanadood ah.

1/8/2019 12:17 AM EST
Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Maanta oo Talaado ah 08 bishan Janaayo ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe lagu qabto doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Puntland hoggaamin doona shanta sano ee soo socta.