4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Madaxweynaha cusub ee Puntland oo wareegtadii ugu horreeyay ku hakiyay kharashaadka dowladda

Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee Puntland , Siciid Cabadullaahi Deni ayaa goor dhow wareegtadii ugu horreeysay ku hakiyay dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee dowladda.

Wareegtada ayaa lagu wargeliyay wasiirka maaliyadda,agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda ,agaasimaha bangiga dhexe,xisaabayaha guud ee dowladda,xawaaladaha dowladda iyo bangiyada gaarka loo leeyahay in laga billaabo maanta aan wax kharashaad ah laga bixin karin bangiyada xisaabadka dowladda.

Hoos ka akhri wareegtada

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]