4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Wafdi ka socda dowladda federaalka oo u anbabaxay magaalada Garoowe

 

Talaado,Janaayo, 08, 2019 (HOL)-Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw u anbabaxay magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland.

Wafdiga oo ka dhoofay garoonka diyaarada Aadan Cadde ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Wasaarradda Arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana ka mid ah xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee dowladda oo ka soo jeeda maamul gobolleedka Puntland.

Anbabaxa Wafdiga ee magaalada Garoowe ayaa imanaya daqiiqado kaddib markii la shaaciyay natiijadda doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland oo uu ku guuleystay Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa uu muuqata in uu yimid is badal dhinaca xiriirka ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedka Puntland, kaddib markii uu meesha ka baxay madaxweynihii hore ee Puntland  Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku haray wareegii hore ee doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]