4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Saciid Cabdullaahi Deni oo loo doortay madaxweynaha cusub ee Puntland

Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) ayaa goor dhow shaaciyay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland oo la isla soo gaaray wareegii saddexaad.

Wareega u dambeeyay ee saddexaad waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35 cod iyo Jen Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo helay 31 cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in madaxweynaha shanta sanno ee soo socota Puntland uu yahay Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay wareegii u dambeeyay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni  oo hadal kooban jeediyay guushiisa kaddib ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka ,guddiga doorashada ,musharrixiintii la tartamay iyo musharrixii wareegii u dambeeyay la soo gaaray ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano .

"Waxaan codsanaya in gacmaha la isqabsado, doorashadii way dhammaatay.. waxaa kalo si gaar ah u codsanaya in laygu soo duceeyay xilkan". ayuu yiri madaxweynaha cusub,Saciid Cabdullaahi Deni .

Madaxweynaha cusub ayaa goobta markiiba lagu dhaariyay.

Musharraxa xilka looga guuleystay ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa dhankiisa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub.

"Puntland waa dhulkeygii waan jeclahay". ayuu yiri Asad Cismaan.

Dhinaca kale, madaxweynaha xilka hayay ee Cabdiweli Gaas oo ka mid ahaa musharrixiintii xilkan ku tartamayay, islamarkaana wareega koowaad ku haray ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub.

21 musharrax ayaa ku tartamay doorashada madaxweynaha Puntland.

Waxaa lagu wadaa goor dhow inay billaabato doorashada madaxweyne ku-xigeenka.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]