4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2019
Labo musharrax oo usoo haray tartanka madaxweynaha Puntland


Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Wareega labaad ee doorashada madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay,iyadoo guddiga doorashada uu shaaciyay natiijada wareega.

Saddex musharrax ayaa ku tartamay wareega labaad,kuwaas oo kala helay cododka.

1- Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano 30 cod

2- Saciid Cabdullaahi Deni 29 cod

3- Faarax Cali Shire 7 cod

Wareega u dambeya ayaa waxaa ku tartamaya labada musharrax ee ugu codadka badan kuwaas oo kala ah,Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo hal cod ku horreeya wareega iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]