4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Natiijada wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha Puntland oo la shaaciyay

Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay,iyadoo guddiga doorashada uu shaaciyay natiijada.

Madaxweynaha xilka haya ee Cabdiweli Gaas oo mar kale u tartamay xilka  ayaa ku haray wareegii koowaad,kaliya 8 cod ayuu helay.

Musharrixiinta kala ah,Cali Ciise Cabdi ,Cali Xaaji Warsame General Morgan iyo Shoortayo ayaa helay mid hal cod, halka musharraxa Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) uu helay toddobo cod.

Saddex musharrax oo ah kuwa ugu codadka badan ayaa u soo gudbay wareega labaad,kuwaas oo kala ah.

1-Saciid Cabdullaahi Deni 20 cod

2-Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano 17 cod

3- Faarax Cali Shire 9 cod

Codeynta wareega labaad ee doorashada ayaa lagu wadaa in goor dhow la gudo-galo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]