4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2019
Doorashada Madaxweynaha Puntland oo maanta ka dhaceysa magaalada Garoowe

 

Talaado, Janaayo, 08, 2019 (HOL)- Maanta oo Talaado ah 08 bishan Janaayo ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe lagu qabto doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Puntland hoggaamin doona shanta sano ee soo socta.

Ilaa 21 musharax ayaa isku soo taagay qabashada xilka madaxweynaha halka 11 musharax-na u tartami doonaan xilka ku-xigeenka madaxweynaha.

Maalintii shalay ayeey musharixiintu khudbadahooda wax-qabadka haddii la doorto ka hor jeediyeen xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo maanta kala saari doona musharixiinta.

Lama oga in doorashada maanta ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin ka socta dowladda federaalka Soomaaliya, madaama maamulka hadda jira uu soo saaray go’aan uu uga mamnuucayo mas’uuliyiinta dowladda dhexe in ay yimadaan Puntland in lagu gudajiro doorashada.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]