4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Guddoomiye Waaxeed caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Koox ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw oo caawa ah ku dileen degmada Wart-nabadda mid ka mid ah guddoomiye waaxeed-yada degmada.

Dhalinyaro ku hubeysan bastoolado toogasho ku dileen guddoomiye waaxeedka oo magaciisa lagu soo kooban Abuukar sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degmada.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaaray goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa halkaa ka bilaabay baaritaanno ay ku baadi-goobayaan kooxdii dalka ka danbeysay.

Ma jirto cid sheegatay toogashada ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu dilay guddoomiye waaxeedka, hasse ahaatee dilal noocan oo kale ah oo horey uga dhacay degmooyinka gobolka Banaadir waxaa sheegtay kooxda Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]