4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Ciidamada Amaanka oo joojiyay siminaar Xisbiga Wadajir uga socday hotelka Maka Al-Mukarama

 

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay siminaar hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Asxaabta siyaasada dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhaw bartiisa Facebook uga hadlay dhacdadan ayaa ku eedeeyay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka soo baxay sida uu hadalka u dhigay amarka lagu joojiyay siminaarka.

‘’Waxaa amar ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya lagu xiray hotelka Maka Al-Mukarama oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ka socda siminaar sare loogu qaadayay Aqoonta iyo Wacyiga siyaasadeed ee Kaadiriinta Xisbiga Wadajir ‘’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

 

Wuxuu sheegay in wax laga xumaato tahay in ciidamada Booliiska oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada loo adeegsado sida uu hadalka u dhigay caburin iyo caga-jugleyn.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira warka ku saabsan is hortaaga siminaarka hotelka Maka Al-Mukarama Xisbiga Wadajir. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]