4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Wasiir Waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre oo kulan la qaatay ardayda wax kabarata jaamacadaha Muqdisho

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)-  Wasiirka waxbarashada,Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya , Cabdullahi Goodax Barre ayaa kulan wadatashi ah  la qaatay ardayda wax ka barta jaamacaddaha magaalada Muqdisho.

Hadafka kulanka ayaa ahaa sidii wasiirka waxbarashada uu dhageysan lahaa cabashada ay qabaan ardeyda Soomaaliyeed, islamarkana uu faah faahin uga siin lahaa dadaalka wasaaradda waxbarashada ugu jirto horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada xoogga saareyso sidii loo heli lahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo xirfad leh.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ardayda ka qeyb galay kulanka u sheegay in wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay manhaj cusub, islamarkanaa la tababaray macalimiinta dhigaysa.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashada marnaba aysan ilaabi doonin, dadaalkii dadka Soomaaliyeed u soo galeen sii wadida waxbarashada dalka markii ay dhacday dowladdii dhexe.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in macallim kasta oo wax ka dhiga iskuullada dowladda xilligan uu lee yahay xirfad uu ku bixiyo maadada uu dhigayo, taasina ay door ka qaadaneyso horumarinta waxbarashada dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]