3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Baarlamaanka Puntland oo dhageystay khudbadaha musharixiinta

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)-  Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa barnaamijkoodda siyaasadeed ka hor jeediyay Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Hadal jeedinta musharrixiinta oo billaabatay subaxnimaddii hore ee saaka ayaa khudbadaha waxaa lagu hormariyay musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha kuwaas oo tiradoodda ay dhammeyd 21 musharrax,iyagoo  baarlamaanka ka horjeediyay khudbad ay uga hadlayeen barnaamijkooda siyaasasadeed ee ay doonayaan in ay ku hoggaamiyaan Puntland.

Musharrixiinta waxa uu mid walba soo bandhigay waxa uu doonnayo inuu qabto haddii uu xilka ku guuleysto iyo siyaasadiisa hoggaamineed, waxyaabaha ay isaga midka ahaayeen waxaa ka mid ahaa inay wax ka qaban doonan xaaladda dhaqaale ee Puntland, amniga,deegaannada maqan ee Sool iyo Sanaag, waxbarashada,caafimaad iyo horumarinta adeegyada kale ee bulshada, waxyaabaha ay sida gaarka ah qaarkood u dul istaageen waxaa ka mid ahaa arrimaha federaalka.

11 musharrax oo u tartamaya xilka madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa dhankooda jeediyay khudbadohooda musharraxnimo waxaana mid waliba uu ku dheeraaday barnaamijkiisa siyaaaadeed iyo waxqabad si lamid ah sida ay ugu dheeraadeen musharrixiinta xilka madaxweynenimo ee Puntland.

Inta ay socotay munaasabad hadalkeedinta musharrixiinta guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa ku canaantay musharrixiinta inaysan is dhageysan oo mid walba marka uu khudbada jeediyay uu ka baxay xarunta, waxaa kalo uu cannaantay xildhibaannada oo intoodda badan ka maqnaa fadhigga.

"Sidee baad ku kala xukumaysaan haddaydaan dhagaysan hadal jeedin barnaamij siyaasadeed kooda, Bulshadu way arkaysaa waxa dhacaya, waxaan u mahadcelinayaa xillibaannada 30 ka ah ee fadhiyay, iyo musharrixiinta 2-da ah". ayuu yiri guddoomiye Dhoobo.

Baarlamaanka Puntland oo 66 xubnood ka kooban ayaa siddeeda bisha Jannaayo oo Talaadadda berri ah ku beegan codka qarsoodiga ah ku dooran doona madaxweynaha Puntland ee shanta sanno ee soo socota iyo madaxweyne ku-xigeen,iyadoo natiijada doorashada aad looga dhursagayo maaddaama musharrixiin kuwii ugu badnaa ay ku tartamayaan labada kursi.

Ammaanka magaalada xarunta ah ee Garoowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana socda diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada, sidoo kale wafuud kala duwan ayaa Garoowe soo gaaray kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka ah ee Sooamaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
1/7/2019 1:57 PM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Koox ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw oo caawa ah ku dileen degmada Wart-nabadda mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada degmada.

1/7/2019 9:06 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)-Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay siminaar hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Asxaabta siyaasada dalka.

1/7/2019 8:57 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Wasiirka waxbarashada,Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya , Cabdullahi Goodax Barre ayaa kulan wadatashi ah la qaatay ardayda wax ka barta jaamacaddaha magaalada Muqdisho.

1/7/2019 8:18 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Somaliland.

1/7/2019 5:33 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Militariga dalka Gabon ayaa saacadihii hore ee maanta ku dhawaaqay in ay la wareegeen tallada dalka xili madaxweynihii dalkaasi Cali Bongo uu muddo ka badan Labo cisho dalka dibedda uga maqan yahay.

1/7/2019 2:06 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in ay howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Dugule ee gobolka Shabeellaha Hoose ku bur buriyeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka.

1/7/2019 1:12 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Guddida beelaha galbeedka Burco (Garxajis) ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay farogalin ku hayso beeshooda, isla markaana dad ay soo xulatay uu ku casuumayo xafiiskiisa.

1/7/2019 12:48 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun toogasho ah ku fulisay labo dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa in ay horay u dileen nabaddoon.

1/7/2019 12:35 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)-Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu waddo in maalinta berri ah la doorto.