3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Madaxweyne Muuse Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley safiir ka socda wadanka Turkiga

 

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Somaliland.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka, sidaasna waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame.

Sidoo kale, waxay sheegeen in kulankan lagu lafo gurayey qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirradda arrimaha dibeda iyo Horumarinta caafimaadka.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.













Click here
1/7/2019 1:57 PM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Koox ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw oo caawa ah ku dileen degmada Wart-nabadda mid ka mid ah guddoomiye waaxeedyada degmada.

1/7/2019 9:06 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)-Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay siminaar hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho uga socday Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Asxaabta siyaasada dalka.

1/7/2019 8:57 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Wasiirka waxbarashada,Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya , Cabdullahi Goodax Barre ayaa kulan wadatashi ah la qaatay ardayda wax ka barta jaamacaddaha magaalada Muqdisho.

1/7/2019 8:45 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa barnaamijkoodda siyaasadeed ka hor jeediyay Baarlamaanka cusub ee Puntland.

1/7/2019 5:33 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Militariga dalka Gabon ayaa saacadihii hore ee maanta ku dhawaaqay in ay la wareegeen tallada dalka xili madaxweynihii dalkaasi Cali Bongo uu muddo ka badan Labo cisho dalka dibedda uga maqan yahay.

1/7/2019 2:06 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in ay howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Dugule ee gobolka Shabeellaha Hoose ku bur buriyeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka.

1/7/2019 1:12 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Guddida beelaha galbeedka Burco (Garxajis) ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay farogalin ku hayso beeshooda, isla markaana dad ay soo xulatay uu ku casuumayo xafiiskiisa.

1/7/2019 12:48 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun toogasho ah ku fulisay labo dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa in ay horay u dileen nabaddoon.

1/7/2019 12:35 AM EST
Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)-Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu waddo in maalinta berri ah la doorto.