4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Afgambi dhicisoobay oo ka dhacay dalka Gabon iyo saraakiil la xiray

 

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Militariga dalka Gabon ayaa saacadihii hore ee maanta ku dhawaaqay in ay la wareegeen tallada dalka xili madaxweynihii dalkaasi Cali Bongo uu muddo ka badan Labo cisho dalka dibedda uga maqan yahay.

Laakiin wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in Afganbigaasi noqon mid hergala oo waxaa xabsiga loo taxaabay afar ka mid ah saraakiishii isku deyday Afganbiga halka sarkaal Shanaad  oo baxsad ahna lagu raad joogo.

xaaladda magaalada Libreville ay hadda degan tahay iyadoo dadku markii hore ku jahwareereen wararka ku saabsan dalka lagula wareegay Afganbi.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa barta Twitter-ka kaga hadlay isku dayga afgembiga militari ee dhicisoobay ay wadeen ciidamada dalka Gabon.

Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika Muusa Faki ayaa sheegay in AU ay si xooggan u caambaareyneeso isku dayga afgembiga militari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]