4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Guddida beelaha galbeedka Burco oo dhaliilo usoo jeediyey xukuumadda Somaliland

 

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Guddida beelaha galbeedka Burco (Garxajis) ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyey inay farogalin ku hayso beeshooda, isla markaana dad ay soo xulatay uu ku casuumayo xafiiskiisa.

Odayaashan ayaa sheegay inay xukuumaddu ku fashilantay hawlihii loo igmaday,isla markaana dad aan magaca beeshood ku hadli Karin doonayso inay la kulanto.

“Madaxweynuhu wuxuu yidhi safarkii aan bariga ugu baxay garxajis ha ii yimaadaan waan uga mahad naqayaaaye,  waa arrin nasiib daro ah waayo safarkii uu bariga ku tagay Somaliland oo dhan baa soo wada dhoweysay sababta uu garxajis oo kaliya usoo qaadanayo timir laf baa ku jirta oo ujeedo kale ayuu la leeyahay”ayuu yidhi Suldaan Gudcadde.

“Garxajis wuu shiray oo sideed qodob buu soo saaaray maalin kama jawaabin inaad sideedaasi qodob ka jawaabtid oo aad fulisa laga sugayaa wax ka hooseeya lagaama sugayo”ayuu yidhi raaciyey Suldaanku.

 

Odayaashani waxay ku dhaliileen xukuumada in aanay mudada sanadka ah waxba qaban,isla markaaana hadii ay wax ka qaban waydo dhaliilaha jira ay gobolada oo dhan wada mari doonaan si wax garadka gobolada ula kulmaan.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.