4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

 

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)- Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun toogasho ah ku fulisay labo dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa in ay horay u dileen nabaddoon.

Dhalinyarrada xukunka dilka ah lagu fuliyay oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow ayaa ku eedeysnaa in ay dileen nabaddoon lagu magacaabi jiray Hilowle Xeefow Xuseen.

Maxkamada ciidamada ayaa dhawaan sidan oo kale xukunno dil ah ugu fulisay dhalinyarro ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo maxkamadu ku riday xukun dil ah iyaga oo ku eedeysan in ay galleen falal isugu jira dil bareer ah, fulinta Qaraxyada iyo waliba sahminta xarumaha dowladda ee la weerarro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]