4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2019
Musharixiinta madaxweyne ee Puntland oo maanta khudbadahooda ka hor jeedinaya Baarlamaanka

 

Isniin, Janaayo, 07, 2019 (HOL)-Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo lagu waddo in maalinta berri ah la doorto.

Guddiga doorashada ayaa maalintii shalay sheegay in 21 musharax isku soo taageen ka qeybgalka doorashada madaxweynaha halka 11 musharax kalana ku tartami doonaan xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Maalinta berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay tahay 08 bishan Janaayo ayaa lagu wadaa in Garoowe ay ku dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo ay ku loolami doonaan musharixiin dhowr ah.

Wararka ku saabsan khudbadaha musharixiinta waxaan idinku soo gudbin doonnaa wararkeena danbe..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]