3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2019
Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay xashiishado ay qabteen

 

Sabti, Janaayo 05, 2019 (HOL)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo bandhigtay maandoorayaha xashiishada oo xalay hawlgal ku soo qabteen iyo dhallinhyaro qalabkii ay ku dagaalami jireen ku wareejiyey ciidanka Amniga.

 

“Ciidanka Boolisku wuxuu ku jira hawlgal aan kala go’alahayn oo uu ku soo qabtay kuwo moobilada booba, Tuugta iyo kuwo maandoorayaasha iibiya, waxaanu xalay soo qabanay sagaal killo iyo badh xashiishad ah, waxaana gacanta ku haynaa gaadhigii lagu waday iyo ninkii watay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirisaaq Jaamac Cabdilahi”ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidanka booliska Cabdiraxmaan Fooxle. 

Taliye ku xigeenku wuxuu u mahadnaqay dhalllinyaro qalabkii ay ku dagaalami jireen ama dadka ku dhibaateen jireen usoo gudbiyey ciidanka amniga, islamarkaana sheegay in ay hawlihii ay ku jireen ka baxay.

“Waxaan u mahad celinayaa dhallinyaradii kooxaha isku layn jirey oo qalabkii ay ku dagaalami jireen ku soo wareejiyey ciidanka amniga, faashashkii iyo midiyihii iyo wixii qalab ay samaysteen gacanta usoo galiyey ciidanka”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Taliye Fooxle waxa uu ka jawaabay eeddo uu ciidanka usoo jeediyey abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax oo sharci daro ku tilmaamay hoteel habeenkii shaqadda laga joojiyey  iyo bandhigii laga joojiyey fanaaniinta Xiddigaha geeska.

“Idaacada BBC-da waxa war aan sal iyo raad toona lahayn ka sheegay Abwaan Laabsaalax, kaasi oo yidhi dalku wuxuu ku jira nabadgalyo daro, dalku waa nabad dhacdana way dhacdaa ciidanka amniguna waajibaadkooda shaqo ayeey ka qabsadaan dhacdadda dhacda, adigu waxaad u qiil dayeysa hawlo adiga kuu gaar ah oo aanay fanaaniinta kale kula qabin, waxa kale oo aan kula socodsiinaynaa meelaha kale ee aad ku xidhan tahay iyo aflagaadada aad ciidanka booliska u gaysatay qoraalkeeda iyo cadaynteeda waa laga sugayaa, fanaaniinta qaranku amaan ayey naga mudan yihiin, waxaanay umada uga masuul yihiin wacyigelinta dadka balse adigu waxaad u qiil dayeysaa hawlahaagii gaarka ahaa, hoteelada la xidhay waxa loo maray sifo sharci ah.”ayuu yidhi taliye Fooxle oo u jawaabayey Abwaan Laabsaalax.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
1/5/2019 10:42 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya u saaray tacadiyadii ka dhacay magaalada Baydhabo xiliggii lagu guda-jiray u diyaar-garoowgga doorashadii madaxweynaha

1/5/2019 7:57 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-Ciidamadan oo isugu jiray kuwa Madaxtooyada, Daraawiishta iyo Nabadsugidda Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay mid kamid ah xerooyinka ciidamada ee magaalada Kismaayo

1/5/2019 6:33 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.

1/5/2019 3:51 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Dr. Saadiq Maxamed Axmed (Saadiq Eenow) oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow Garoowe kaga dhawaaqay inuu u tanaasulay musharraxa Dr Cali Ciise Cabdi.

1/5/2019 3:46 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirkadda MAERSK LINE oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunteenaradda.

1/5/2019 3:41 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa goor dhow soo bandhigay habraaca doorashada iyo shuruudaha laga doonayo musharrixiinta tartamaya.

1/5/2019 2:21 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shalay ay xildhibaannadu doorteen ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan dowladda federaalka iyo wadashaqeyn uu la yeesho hay'adaha dowladda dhexe.

1/5/2019 1:58 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ,Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaddib go’aankii dalka ka mamnuucayay ee ay dowladda faderaalka Soomaaliya ay kusoo rogtay wakiilka Qaramada Midoobay ,Nicolas Haysom oo ah inaan dalka laga rabin.

1/5/2019 1:23 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Milatariga Marekanka ayaa la sheegay inuu xadidiyo duqeymaha uu la beegsado dagaalyahannada al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya,sida laga soo xigtay waaxda difaaca ee Marekanka.