4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2019
Kismaayo oo lagu soo bandhigay Ciidamo tiro badan iyo Gaadiid dagaal
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-
Ciidamadan oo isugu jiray kuwa Madaxtooyada, Daraawiishta iyo Nabadsugidda Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay mid kamid ah xerooyinka ciidamada ee magaalada Kismaayo, ayadoo ay halkaasi kubooqdeen Madaxweynaha Jubbaland, xubno ka tirsan labad gole iyo saraakiisha ciidamada.

Ciidamadan oo aad u qalbeysnaa islamarkaana sitay gaadiid dagaal oo noocyo kala duwan leh ayaa kamid ah ciidamo loo diyaariyay howlgallo la filayo in dhawaan ay ka bilowdaan Jubbaland.

Madaxweynaha iyo xubnihii wehlinayay ayaa kormeeray ciidamada, ayagoo ku booriyay in ay u diyaargaroobaan howlgallo ballaaran oo lagu xoreynayo degmooyinka maqan ee Jubbaland islamarkaana la isugu furayo degmooyinka xorta ah ee ay adagtahay in la isugu socdaalo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamada Booliska ee kamidka ahaa ciidamadii maanta lasoo bandhigay ay sugi doonaan amniga magaalada Kismaayo inta ay socdaan howlgallada.

Madaxweynaha ayaa xusay in howlgalku ay bilaabi doonaan ciidamada Jubbaland ayna jirin cid kale oo kala qeybgaleeysa balse ay macquul tahay in marka ay bilowdaan ay kusoo biiraan ciidamada AMISOM iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta sidii Al-shabaab looga xoreyn lahaa goobaha ay gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale, ciidamadan iyo gaadiiidkooda dagaalka ayaa socod ku maray qaar kamid ah wadooyinka magaalada, waxa jiray dadweeyne isugu soo baxay hareeraha wadooyinka oo taageero u muujinayay ciidamada.

Magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii u danbeeyay laga dareemayay u diyaargaroow xooggan oo loogu jiro howlgallada bilaaban doona, waxaana diyaargaroowgani uu yahay mid ka badalan kuwii hore, ayadoo ciidamada kala duwan ee Jubbaland lagu diyaariyay xerooyinkooda, halka qaar kamid ahna loo qaaday dhanka degmada Afmadow ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.