4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2019
Norway oo 54.3 milyan oo dollar ku bixinaysa dib u dhiska Soomaaliya

 

Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.

Dhaqaalahan ayeey sheegtay Norway in ay ugu talagashay in looga hortago  xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga  Amniga Soomaaliya la soo dersa.

Wasiiru-dowlaha horumarinta dalkaasi Norway u qaabilsan Nikolai Astrup  ayaa cadeeyay in talaabadan ay dowladiisu ku saacidayso Soomaaliya ay  timid kadib markii ay Dowladiisu qiimaysay isla maarkaana aragtay  horumarka iyo dadaalada ay wado Dowladda Soomaaliya kuna ku wajahan  danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo intaa raaciyay in arrintan ay tusaale u tahay sida ay Dowladda Norway ugu kalsoon tahay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu cadeeyay Nikolai Astrup in kaalmadan ay Dowlasiisa u fidinayso Soomaaliya ay sii saacidayso horumarka, degenaashaha iyo Amaanka Soomaaliya oo sii wanaag-sanaanaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]