4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2019
Garoowe: Dr Saadiq Eenow oo u tanaasulay musharraxa Dr Cali Ciise Cabdi

Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-  Dr. Saadiq Maxamed Axmed (Saadiq Eenow) oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow Garoowe kaga dhawaaqay inuu u tanaasulay musharraxa Dr Cali Ciise Cabdi.

Saadiq Eenow, ayaa ku sababeeyay tanaasulkiisa inay muhiimad weyn ugu fadhido sidii dib la isugu soo celin lahaa Puntland.

Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland, Dr Cali Ciise Cabdi ayaa dhankiisa u mahadceliyay Dr Saadiq Eenow oo u tanaasulay.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa la qorsheeyay in la qabto siddeeda bisha Jannaayo oo ku beegan maalinta Talaadada ee toddobadkan,iyadoo xilka ay u tartamayaan in ka badan 20 musharrax.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]