4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2019
Shirkadda MAERSK LINE oo ka shaqo bilaabeysa dekedda Muqdisho

 

Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirkadda MAERSK LINE oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunteenaradda.

Qooraalka ka soo baxay maamulka dekedda Muqdisho :

Waxaan la socodsiinaynaa Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Dekedda Muqdisho ay ka howl bilabeyso maanta oo ah 5th Janaayo 2019ka Shirkadda MAERSK LINE oo ah Shirkadda Hoggaamisa Daabulida Kuntaynarada Dunida (Global Leader in Shipping Service) kana howlgasha in ka badan 130 wadan.

Imaashiyaha Markabka ugu horeeyay ee Shirkadda MAERSK LINE oo Xarunteeda tahay Dalka Denmark waxay ifafaalo muuqdo u tahay Kobaca Dhaqaale ee Dalka iyo sida Dunida diyaar ugu tahay in ay la Ganacsadaan Soomaaliya. Ayadoo la rajaynayo Shirkadaha kale sida Evergreen, China Shipping Line iyo kuwa kale ay yimaadaan Dekedda Muqdisho dhamaadka Sanadkan.

Ka Howlgelida Shirkadda MARESK LINE Dekedda Muqdisho muddo dheer ka dib-  Burburkii heyĆ”daha dowladda  ayaa waxay Astaan u tahay Horumarka Dhaqaale & Amni uu ku tilaabsaday Qaranka Soomaaliyeed ayadoo horay uga howlgeli jireen Dekedda Muqdisho Shirkadaha MSC iyo CMA-CGM oo ah Shirkadaha ku jira Kaalmaha Labaad iyo Saddexaad ee Daabulista Kuntaynarada Dunida.

Maraakiibta Shirkadda MARESK LINE oo si joogto ah uga howlgeli doonta  Dekedda Muqdisho waxay fursad u tahay Ganacsatada iyo Shacabka  Soomaaliyeed in ay si fudud ugu dhoofiyaan Dunida Dacaladeeda wax soo  saarka Dalka, kana soo Dhoofsadaan Badeecadaha Dhammaan Daafaha Dunida  si fudud.

Imaanshaha Sharikadda MAERSK ee Dekedda Muqdisho waxey fureysa  tartan dhaqaale taa oo horseedi doonto in qiimaha wax dhoofinta iyo soo  dejinta ay hoos u dhacan waana guul u soo hooyatay dadaalka  dhaqan-dhaqaale ee Dowladda Federaalka iyo ganacsiga Soomaaliyeed eek u  wajahan dib-u-dhiska dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]