4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2019
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay sida uu u wajahayo dowladda federaalka

Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-  Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shalay ay xildhibaannadu doorteen ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan dowladda federaalka iyo wadashaqeyn uu la yeesho hay'adaha dowladda dhexe.

"Dowladda dhexe waa dowladeennii.. Puntland-na waa muhiim oo waa meeshii aan joogno oo salka iyo baridda ahayd , waxaan isku dayi doonaa inan is waafajino danahoodda - waxaan is leeyahay danahoodda waa isku mid , wixii aan isugu nimaano waxaan rajeyn in la is waafajiyo." ayuu yiri Dhoobo.

"Dowlad dhexana kama maarmi karno, kanna waa baridii aan ku fadhinay waa state... marka waxaan isleeyahay haddii labada dhinac si fiican looga fakaro khilaafba ma dhici doono". ayuu raaciyay hadalkiisa.

Doorashada guud ee Puntland ayaa ku soo aadday xilli uu jira khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka uu waqtiga ka dhammaaday ee madaxweyne Cabdiweli, balse waxaa la filaya is beddel gobolka ka dhaca inuu wax ka badalo xiriirka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]