4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2019
Nicolas Haysom oo aan kusoo laaban doonin shaqadii uu ka hayay Soomaaliya

Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ,Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaddib go’aankii dalka ka mamnuucayay ee ay dowladda faderaalka Soomaaliya ay kusoo rogtay wakiilka Qaramada Midoobay ,Nicolas Haysom oo ah inaan dalka laga rabin.

War qoraal ah oo uu baahiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu xaqiijiyay inuu aad uga xunyahay go'aanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ah in ergaygiisa, isla markaana ahaa madaxa hawlgalka taakulaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, UNSOM, aan dalka laga ogolayn.

"Xog-hayaha guud wuxu kalsooni buuxda ku qabaa Haysom, oo ah qof ka mid ah shaqaalaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay isla markaana leh khibrad lana ixtiraamo, kaas oo ka soo dhalaalay xilal badan oo hogaamineed oo heer sare ah oo uu ka soo qabtay xarunta guud ee Qaramada Midoobay iyo meelo kale oo dunida ah ba. Qof aan dalka laga rabin, waa qaraan aan khusaynin, isla markaana aan lagu qaadi karin shaqaalaha Qaramada Midoobay. Sida ku cad Axdiga Xidhiidhka Diblomaasiyadda Vienna 1961, qodobkaasi waa mid u gaar ah dan jirayaasha ay dawladi mid kale u dirato ee xidhiidhka laba geesoodka ah. Qaramada Midoobay ma aha dawlad, shaqaalaheeduna ma ah diblomaasiyiin dawladi tu kale u diratay waxay hoos tagaan Xog-hayaha guud". ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Farhan Haq.

Waxa uu inta ku daray "Xog-hayaha guud ay ka go'antahay in baahida dadka Soomaaliya ay tahay waxa ay Qaramada Midoobay mudnaanta koobad siiso. Isla markaana UNSOM u baahantahay in ay sida ugu haboon u gudato waajibaadkeeda ah taageerada dalka. Sidaa awgeed, Xog-hayuhu waxa uu doonayaa in uu dhawaan wakiil gaar ah u soo magacaabo Soomaaliya, kaaso oo isla markaana noqon doona madaxa UNSOM".

Go'aanka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadday iyada oo maalmahan aad looga warsugayay waxa uu noqon doono , kaddib markii Soomaaliya ku dhawaaqday in ergaygiisii Nicholas Haysom, uu yahay qof aan laga rabin dalkeeda iyada oo ku eedaysay in uu si toos ah u faro geliyey arimaha gudaha ee dalkeeda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]