3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 5 , 2019
Marekanka oo hoos u dhigaya howlgalka uu ka wado gudaha Soomaaliya

Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-  Milatariga Marekanka ayaa la sheegay inuu xadidiyo duqeymaha uu la beegsado dagaalyahannada al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya,sida laga soo xigtay waaxda difaaca ee Marekanka.

Howlgallada milatariga Marekanka ee Soomaaliya ayaa gaabis noqday tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis  xilka ka deggay bishii hore.

Labo sarkaal oo ka tirsan milatariga Marekanka ayaa laga soo xigtay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu maamulka madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciidammada Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka,sida uu baahiyay telefishinka NBC News.

Marekanka ayaa dhinaca kale qorsheynaya inuu yareeyo doorkiisa Soomaaliya,iyadoo arrinta ay ka digayaan khubaro ka tirsan la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada,kuwaas oo u arka in qorshaha cusub ee Marekanka uu abuuri karo khatar ka timaada ururrada Al-qaacida iyo Daacish.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in aanay wax is bedel ah ku imaan siyaasaddii howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay inay sii wadayaan taageerida dowladda Soomaaliya iyo burburinta al-Shabaab.

Madaxweyne Trump ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu Ciidammo dheeraad ah u soo diray Soomaaliya , wuxuuna Taliyayaashiisa awood u siiyey inay kordhiyaan duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya.

Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka ku dhawaad soddon weerar oo xagga cirka ah ayey Mareykanka ka fuliyeen meelo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, waxaana inta badan lagu bartilmaameedsanayay dhaqdhaqaaqyada al Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
1/5/2019 10:42 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya u saaray tacadiyadii ka dhacay magaalada Baydhabo xiliggii lagu guda-jiray u diyaar-garoowgga doorashadii madaxweynaha

1/5/2019 10:06 AM EST
Sabti, Janaayo 05, 2019(HOL)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa soo bandhigtay maandoorayaha xashiishada oo xalay hawlgal ku soo qabteen iyo dhallinhyaro qalabkii ay ku dagaalami jireen ku wareejiyey ciidanka Amniga.

1/5/2019 7:57 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-Ciidamadan oo isugu jiray kuwa Madaxtooyada, Daraawiishta iyo Nabadsugidda Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay mid kamid ah xerooyinka ciidamada ee magaalada Kismaayo

1/5/2019 6:33 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.

1/5/2019 3:51 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Dr. Saadiq Maxamed Axmed (Saadiq Eenow) oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow Garoowe kaga dhawaaqay inuu u tanaasulay musharraxa Dr Cali Ciise Cabdi.

1/5/2019 3:46 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirkadda MAERSK LINE oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunteenaradda.

1/5/2019 3:41 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa goor dhow soo bandhigay habraaca doorashada iyo shuruudaha laga doonayo musharrixiinta tartamaya.

1/5/2019 2:21 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shalay ay xildhibaannadu doorteen ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan dowladda federaalka iyo wadashaqeyn uu la yeesho hay'adaha dowladda dhexe.

1/5/2019 1:58 AM EST
Sabti, Janaayo, 05, 2019 (HOL)- Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ,Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaddib go’aankii dalka ka mamnuucayay ee ay dowladda faderaalka Soomaaliya ay kusoo rogtay wakiilka Qaramada Midoobay ,Nicolas Haysom oo ah inaan dalka laga rabin.