3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2019
Wasiir Cawad oo la kulmay wafdi ka socday Urur gobolleedka IGAD

 

Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanku socday, Wasiir Cawad waxa uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaalkeeda lagu xaqiijinayo nabadda iyo is fahamka, isagoo ku bogaadiyay wadamada IGAD sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya oo ah xushmad is dhaafsi si loo dhowro amnigeeda, deganaanshaheeda iyo madax banaanideeda qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga dhabaynayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda.

Waxaa uu tilmaamay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom uu yahay “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayo waxa ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Hab maamuuska, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Afrika Mudane Cabdiladhiif Maxamuud Cali.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/4/2019 6:43 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay.

1/4/2019 3:44 AM EST
Jicmo, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, markii uu helay wareeggii labaad ee doorashada 43 cod, halka musharraxa wareegga labaad kula tartamay ee Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.

1/4/2019 3:38 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Maxkamada gobolka Maroodi jeex ayaa xayirtay wakhtiyad habeenkii inuu shaqeeyo hoteelka Beerta libaaxyadda oo ahaa hudheel habeenkii lagu caweyn jirey.

1/4/2019 3:11 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee Jaamacada Benadir Dr. Maxamed Max'uud Biday iyo guddoomiyihii hore ee Jaamacadaas Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

1/4/2019 3:01 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay natiijada wareegga koowaad, marka la soo gabagabeeyay codeynta xildhibaannada.

1/4/2019 2:39 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa billaabay codeynta doorashada Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.

1/4/2019 2:15 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)-Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan (Abuukar Baalle) Khamiistii shalay ka dhax sheegay shirka Golaha Amaanka in aan la fara-galin siyaasadda gudaha Soomaaliya, labo maalmood kaddib markii ay dowladda Soomaaliya dalka ka eriday Nicholas Haysom oo ah wakiilka xoghayaha QM.

1/4/2019 1:08 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Puntland ayaa ku celisay inaysan deegaannada imaan karin mas'uuliyiinta dowladda federaalka xilliga ay socoto doorashada kaddib markii Isimadda iyo musharrixiinta ay ka soo horjeesteen go’aankii lagu mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.

1/4/2019 12:59 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Warta-Nabadda Ex Wardhiigley, koox hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dishay taliyihii Saldhigga degmada.

1/4/2019 12:38 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maanta oo Jimcaha ah dooranaya guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada iyo labadiisa ku-xigeen,iyadoo xilligan ay ka socoto xarunta Baarlamaanka ee ku taalla magaalada Garoowe , hadal jeedinta musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

1/4/2019 12:23 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Ilhaan Cumar ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey in ay ka mid noqoto mudanayaasha xisbiga demoqraadiga ee Aqalka Wakiilada labada sano ee soo socota, markaasoo ay dib u tartami doonto.