3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2019
Cabdixakiin Maxamed Dhoobo oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland

Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo)   ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, markii uu helay wareeggii labaad ee doorashada 43 cod, halka musharraxa wareegga labaad kula tartamay ee Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Puntland , xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa natiijada ku dhawaaqay.

Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo looga guuleystay doorashada guddoomiyaha wareeggii labaad ayaa hadal kooban oo uu jeediyay waxaa uu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, isagoo sheegay inuu ku qanacsanyahay natiijada ka soo baxday doorashada, waxaa kalo u ballanqaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo)   oo guushiisa kaddib hadal jeediyay, ayaa ugu horrayn u mahadceliyay musharrixiintii la tartamayay, guddiga doorashada iyo dhinacyadii kale ee ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada.

"Dhinac waxaan ka dareemaya farxad, dhinacna culeys iyo mas'uuliyad weyn... waxaan codsanaya inad igu duceysaan inuu illahay xilkan ii fududeeyo oo igu asturo". ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa la filaya in la gudo galo, salaadda jimcaha kaddib, guddiga doorashada ayaa sida sheegay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
1/4/2019 8:30 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

1/4/2019 6:43 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay.

1/4/2019 3:38 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Maxkamada gobolka Maroodi jeex ayaa xayirtay wakhtiyad habeenkii inuu shaqeeyo hoteelka Beerta libaaxyadda oo ahaa hudheel habeenkii lagu caweyn jirey.

1/4/2019 3:11 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee Jaamacada Benadir Dr. Maxamed Max'uud Biday iyo guddoomiyihii hore ee Jaamacadaas Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

1/4/2019 3:01 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay natiijada wareegga koowaad, marka la soo gabagabeeyay codeynta xildhibaannada.

1/4/2019 2:39 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa billaabay codeynta doorashada Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.

1/4/2019 2:15 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)-Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan (Abuukar Baalle) Khamiistii shalay ka dhax sheegay shirka Golaha Amaanka in aan la fara-galin siyaasadda gudaha Soomaaliya, labo maalmood kaddib markii ay dowladda Soomaaliya dalka ka eriday Nicholas Haysom oo ah wakiilka xoghayaha QM.

1/4/2019 1:08 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Puntland ayaa ku celisay inaysan deegaannada imaan karin mas'uuliyiinta dowladda federaalka xilliga ay socoto doorashada kaddib markii Isimadda iyo musharrixiinta ay ka soo horjeesteen go’aankii lagu mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.

1/4/2019 12:59 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Warta-Nabadda Ex Wardhiigley, koox hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dishay taliyihii Saldhigga degmada.

1/4/2019 12:38 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maanta oo Jimcaha ah dooranaya guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada iyo labadiisa ku-xigeen,iyadoo xilligan ay ka socoto xarunta Baarlamaanka ee ku taalla magaalada Garoowe , hadal jeedinta musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

1/4/2019 12:23 AM EST
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Ilhaan Cumar ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey in ay ka mid noqoto mudanayaasha xisbiga demoqraadiga ee Aqalka Wakiilada labada sano ee soo socota, markaasoo ay dib u tartami doonto.