4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2019
Jaamacadda Banaadir oo guddoomiye cusub yeelatay


Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee Jaamacada Benadir Dr. Maxamed Max'uud Biday iyo guddoomiyihii hore ee Jaamacadaas Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dr. Max'ed Max'uud Biday oo ahaa hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Benadir ayaa shirweynihii sanadlaha ahaa ee Muasasada Benadir loogu doortay 28kii Disembar 2018, inuu noqdo guddoomiyaha Jaamacadda Benadir sadexda sano ee socota, isagoo badelaya Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo xilkaas hayey muddo ka badan 6 sano, xilligii guddoomiyinamada ay ka dhammaatay.

Guddoomiyaha xilka ka dagay ee Jaamacada Benadir Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka warramay waxyaabihii u qabsoomay Jaamacadda mudadii uu xilka hayey iyo horumarka ay ku talaabsatay.

"Waxaan ku faraxsanahay maanta muddo lix sano iyo afar bilood ah ka dib inaan wareejiyo xilka guddoomiyaha Jaamacada Benadir oo ay sharaf ii aheyd inaan muddo intaas la'eg gudoomiye ka noqdo, guulaha aan sheegi doono waa kuwo ay wada gaareen bahda Jaamacada Benadir oo dhan mudadii aan xilka hayey, markii aan guddoonka qabanayey sanadkii 2012 ardayda jaamacadu waxay ahaayeen 1,006 arday, maantana waxaa dhigata ardayd ka badan 3,222, Kuliyadaha Jaamacaddu waxay ahaayeen 7, maantana waa 11, waxaan soo kordhinay dugsiga taqasuska oo aan horey u jirin haatanna ay dhigtaan 214 aqoonyahan, ardayda qelin jebisay xiligaas ka hor waxay aheyd 246 arday, mudadii aan xilka hayeyna waxaa ka qelin jebiyay 1,946 arday, Jaamacadu xiligaas waxay laheyd labo Kambas ama xarun, hadana waxay leedahay 9 Kambas" ayuu yiri Dr. dalmar oo ku dheeraaday horumarka baaxada leh ee jaamacadu ku talaabsatay mudadii uu majaraha u hayey, isagoo xusay in jaamacadu ay furtay dugsi hoose/dhexe iyo sare oo raacsan, isbitaalka Jaamacadda iyo xaruunta caafimaadka ee Afgooye muddadii uu xilkahayay. Wuxuu kaloo xusay in Jaamacadda Benaadir ay xiriir iskaashi iyo wada shaqeyn la leedahay hay’ado iyo jaamacado caalami ah iyo kuwo maxali ah.

Dr. Dalmar ayaa gudoomiyaha cusub ee Jaamacadda Benadir Dr. Biday ku sifeeyey nin howlkar ah oo ay muddo dheer soo wada shaqeeyeen, kuna kalsoon yahay inuu horumar intaas ka badan u horseedi doono Jaamacadda, wuxuuna balan-qaaday inuu la shaqeyn doono, khibradiisana ku caawin doono mudada uu xilka hayo, isagoo Madaxda iyo Maamulka Jaamacada ugu baaqay iney gudoomiyaha cusub gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkii, wuxuuna ALLE uga baryey inuu xilkaas la garab galo.

Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Benadir. Prof/Dr. Max'uud Maxamed Xasan (Biday) oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xika loo doortay, wuxuuna u mahad celiyey gudoomiyaha xilka ku wareejiyey oo uu ku amaanay inuu horumar badan oo aan la soo koobi karin soo gaarsiiyey Jaamacadda, wuxuua balan-qaaday inuu halkaas ka ambaqaadi doono, kuna socon doono dariiqii uu jeexay Dr. Dalmar.

"Aniga iyo saaxiibkey Dr. Dalmar ma nihin dad isku cusub, waxaan iskala tirsanahay aasaasayaasha Jaamacadda, muddo badan waan soo wada shaqeynay, waana sii wada shaqeyn doonaa, Marka labadeena qof yimid iyo qof tagaya midna ma jiro" ayuu yiri Dr. Biday oo dhinaca kale ku dheeraaday qorsheyaasha dhow iyo kuwa fog ee uu damacsan yahay inuu mustaqbalka ku horumariyo tirada iyo tayada Jaamacadda.

Agaasimaha Waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada dowlada Somalia C/shakuur Fiqi oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey Gudoomiye Biday xilka cusub ee loo doortay, isagoo Dr. Dalmarna ku amaanay shaqadii adkeyd ee uu ka soo qabtay Jaamacadda mudadii uu xilka hayey, iyo doorkii hoggaamineed uu ka qaatay dalladda Somaliren ee xiriirsa jaamacada Soomaaliya. Wuxuuna agaasimuhu talaabo ku dayasho mudan ku tilmaamay sida xilkasnimada leh ee labada masuul ay xilka iskugu wareejiyeen, isagoo dhinaca kale ka waramay qorsheyaasha Wasaarada ee xoojinta tacliinta sare iyo xiriirka ay la leedahay Jaamacadaha dalka.

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah Xoghayaha addeega bulshada ee Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo gebagebadii xafladaas khudbad ka jeediyey ayaa soo dhoweeyey isbedelka hogaanka Jaamacada Benadir.

"Waxaan hambaleynayaa sida dimoqraadiyada leh ee gudoomiyihii hore iyo kan cusub ee Jaamacada Benadir ay xilka iskugu wareejiyeen, runtii Dr. Dalmar mudadii uu xilka hayey horumar aan la soo koobi karin ayuu jaamacada soo gaarsiiyey kaasoo uu ku amaanan yahay, wuxuu kaloo xilka guddoomiyinamada wareejinayaa isagoo ay waqtigiisii ka harsan tahay 8 bilood oo runtii ah arrin ugub ku ah hab-dhaqanka madaxnimo ee Soomaaliya ku dayashana mudan. Gudoomiyaha cusubna waxaan ka rajaynaynaa inuu halkaasii ka sii ambaqaado" ayuu yiri Dr. Dufle oo dhinaca kale ka mid ah aasaasyaasha Jaamacada Benadir, wuxuuna is dul taagay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacadda iyo sida looga soo gudbay dhibaatooyinkii soo wajahay.

Intii munaasabadda ay socotay waxaa maamulka iyo shaqaalaha Jaamacadda ay Prof. Dalmar guddoonsiiyay billad dahabi ah oo uu ku mutaystay doorkii hoggaamineed iyo horumarkii uu gaarsiiyay jaamacdda Benaadir xilligii uu guddoomiyaha ahaa.

Gebagebadii Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Benadir Dr. Dalmar ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Dr. Biday, iyadoo guddoomiye Biday uu isna dhinaciisa xilkii uu horey u hayey ee Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ku wareejiyey Prof. Tahliil Cabdi Afrax oo xilkaas buuxiyey.

Xafladaas oo ku soo dhamaatay jawi farxadeed ayaa waxaa sidoo kale intii ay socotay hadalo isugu jiray hambalyo, guubaabo,maha celin iyo dardaaran ka jeediyey xubno fara badan oo ay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha Mu'asasada Benadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti), Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, La-taliyaha Wasiirka Waxbarashada Somalia Ismaaciil Yuusuf, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Cali ( Fuje), Prof. Cabdiraxmaan Macallin Fiqi iyo xubno kale oo ku hadlay magaca qeybaha kala duwan ee bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]